Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha oo la dhaawacay iyo gaarigiisi oo Al Shabaab ugacan galay.

Sunday February 16, 2020 - 20:19:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha oo la dhaawacay iyo gaarigiisi oo Al Shabaab ugacan galay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa dharaar cad weerar ku qaaday gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha biyaha ugu magacaaban dowladda Federaalka.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya dhaawac culus uu gaaray guddoomiye ku xigeenka Ceelasha oo magaciisa lagusoo gaabiyay Iimaan, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalka labeegsaday uu si dirqi ah ku badbaaday.

"Mujaahidiinta ayaa dhaawacay guddoomiye ku xigeenkii murtadiinta ugu magacaawnaa deegaanka Ceelasha Biyaha gaari uu watayna waa laga qaniimaystay" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.


Dhinaca kale weerar xooggan ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamo katirsan dowladda Federaalka ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa weeraray maleeshiyaadka dowladda ee carra tuurka u ah ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku haysta degmada Baardheere balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items