Weerar Habeen dheelmad ah oo lagu qaaday saldhigga ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Monday February 17, 2020 - 10:39:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Weerar Habeen dheelmad ah oo lagu qaaday saldhigga ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan.

    Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar guureyn ku qaaday ciidanka Xabashida ee heysta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar guureyn ku qaaday ciidanka Xabashida ee heysta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.


Wararka naga soo gaaraya Halgan ayaa waxay sheegayaan in xalay fiidkii ay xerada Xabashida ka shanqartay rasaas saf ballaaran ah oo is heysatay, taas oo ay ku larnaayeen hugunnada hubka culus.

Ciidanka Xabashida ma aanay awoodin in ay xerada dibadda uga soo baxaan oo ay la dagaalamaan xogaga soo weeraray taa badalkeedana waxay rasaas aan loo meel dayin kasoo qufayeen dhufaysyadooda.

Illaa iyo hadda ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka balse dadka degaanka ayaa inoo sheegay in ay dagaalka kadib arkayeen qiiq iyo uuro is heysata oo ka baxaysay xerada Axbaashta.


Ciidamada Itoobiya ee duullaanka ku jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xilligan wajahaya culays badan mana awoodaan in ay isku gurmadaan oo ay sahayda is gaarsiiyaan sababo la xiriira waddooyinka oo mar walboo ay baxaan loogu geysto khasaare badan.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items