Abiy Axmed oo Kulansiintii Farmaajo & Muuse Biixi iyo Safarka Hargeysa Soomaalida Ku Tusinaya in uu u taliyo DFS & Maamul Goboleedyada!

Monday February 17, 2020 - 10:42:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed oo Kulansiintii Farmaajo & Muuse Biixi iyo Safarka Hargeysa Soomaalida Ku Tusinaya in uu u taliyo DFS & Maamul Goboleedyada!

    Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abey Axmed wuxuu todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Adisababa ku kulansiiyay Madaxweynaha DFS, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo uu horey damiirkoodu u siin waayay iney Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abey Axmed wuxuu todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Adisababa ku kulansiiyay Madaxweynaha DFS, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo uu horey damiirkoodu u siin waayay iney Soomaalinimo u kulmaan, kana wada tashadaan wixii tabashooyin ah ee jira.


Kulankooda looma deyn iyaga oo kaliya ee waxaa shir gudoomiye ka ahaa Abey inkastoo saxaafadda laga qariyay shirka sadax geesoodka ah haddana xog hoose ayaa sheegeysa in labada dhinac lagu qanciyay iney wada hadlaan.

Michana wada hadalka ma ahan in la heshiiyo balse waxaa jira masaalix guud oo ay Itoobiya iyo Eratariya wataan oo ah in ay DFS iyo Somaliland si wada jir ah uga saxiixdaan kheyraad badan oo bad iyo barriba leh.


Tan waxay guul u ahayd Abiy oo Soomaalida tusiyay in isaga uun ay taladu ka go’do, ciddii uu doonana uu kulansiin karo, qoladuu doonana isku diri karo.

Sidoo kale wuxuu Muuse Biixi ku qanciyay in uu Hargeysa kusoo dhaweeyo isaga iyo Farmaajo, si ay halkaas uga sameeyaan masraxiyad siyaasadeed una sii dhammeystiraan wixii ka qabyo ah ahdaaftooda.

Dowladda Ruushka oo ay diin ahaan isku madhab yihiin Itoobiya ayaa dhankeeda dooneysa iney saldhig milatari ka sameysato xeebaha Berbera waxaana xusid mudan in Abey uu doonayo in dib loo sharciyeeyo heshiiskii DPWorld ee ay laaleen Baarlamaanka Federalka ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

In Farmaajo uu Somaliland u aqoonsado dowlad gooni uga go’day Soomaaliya waa arrin ku xiran Abey. Waxayna u egtahay in hogaamiyaha Somaliland loo ballan qaaday arrintaas.

Isku soo wada duuboo tallaabooyinkan ay qaaday dowladda Itoobiya ayaa sumcad darro ku ah labada maamul halka ay kor u qaadeyso taariikhda gumeysi ee Itoobiya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items