Maxkamadda Islaamiga degmada Saakoow oo xukun ku ridday Nin gabar kufsaday.

Monday February 17, 2020 - 12:05:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Islaamiga degmada Saakoow oo xukun ku ridday Nin gabar kufsaday.

    Fagaara weyn oo kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ka dhacay xukun Xadu Zina ah oo lagu fuliyay nin fal kufsi ah kula kacay qof dumar ah oo kamid aheyd dadka deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaara weyn oo kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ka dhacay xukun Xadu Zina ah oo lagu fuliyay nin fal kufsi ah kula kacay qof dumar ah oo kamid aheyd dadka deegaanka.


Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay fagaaraha Shareecada degmada Saakoow si ay udaawadaan xukunka lagu fulinayay nin kufsaday gabar lagu magacaabi jiray Ooreey Kaahiye Caalaan oo 22 sana jir ah.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga Jubbooyinka oo goob fagaara ah xukunka ka akhriyay ayaa sheegay in maxkamadda ay usoo dacwootay Ooreey oo dacwaysanaysay Xasan Mukhtaar oo ah wiil dhalinyara ah.

Eedaysanaha ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu toorreey ladhacay Ooreey Kaahiye Caalan kadibna uu kufsaday oo uu ku xadgudbay, intaas kadib ayay maxkamaddu ku xukuntay 100 Jeydal,hal sano musaafuris ah iyo in uu bixiyo qaali geela oo ah Meherka gabadha uu ku xadgudbay maadaama uusan horay guur usoo marin.


Gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kajira maamullo islaami ah kuwaas oo tadbiiqiya Shareecada Islaamka waxayna maamulladaasi horseedeen ammaan iyo kala dambayn.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items