Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane iyo Askari lagu dilay Baar Ubax.

Monday February 17, 2020 - 16:25:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane iyo Askari lagu dilay Baar Ubax.

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane halkaas oo ay ku yaallaan xarumaha dowladaha shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane halkaas oo ay ku yaallaan xarumaha dowladaha shisheeye.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maanta duhurkii illaa Afar madfac lala helay gudaha xerada Xalane balse illaa iyo hadda laga ma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay madaafiicda ku hoobatay Xerada Xalane.

Dhinaca kale askari katirsanaa ciidamada dowaldda Federaalka ayaa lagu toogtay isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubaysan ay toogteen askariga kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmooyinka Banaadir.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items