Al Shabaab oo mas'uul katirsan maamulka 'Puntland' ku dishay Waqooyiga Gaalkacyo.

Monday February 17, 2020 - 20:48:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo mas'uul katirsan maamulka 'Puntland' ku dishay Waqooyiga Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar hubaysan oo caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore sarkaalka caawa Gaalkacyo lagu dilay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar hubaysan oo caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay Cabdi Raxmaan Nuur Gureey Geesdiir oo ahaa oo guddoomiye ku xigeenka xaafadda Garsoor islamarkaana wada shaqeyn dhow lalahaa saraakiisha ciidamada PS-ta maamulka 'Puntland'.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen waxaana markii dambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Booliska Puntland.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lasoo degdegtay sheegashada mas'uuliyadda weerarka lagu dilay mas'uulkan katirsan maamulka Puntland ee gobolka Mudug, war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay direen Geesdiir.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland oo ku saabsan dilka caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Related Items