Weeraro gaadiid looga gubay AMISOM askarina lagu dilay oo ka dhacay Jowhar iyo Balcad.

Tuesday February 18, 2020 - 09:33:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro gaadiid looga gubay AMISOM askarina lagu dilay oo ka dhacay Jowhar iyo Balcad.

    Wararka ka imaanaya deegaanno dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaas weerar xooggan lagula beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari AMISOM looga gubay Sh/Hoose
Wararka ka imaanaya deegaanno dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaas weerar xooggan lagula beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.


Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhabbagal ah udhigay kolonyo katirsan ciidamada Burundi xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Gololeey oo qiyaastii 7 KM ujira degmada Balcad.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa sababay in laba gaari booyad ah oo shidaal usiday ciidamada AMISOM ay goobta ku gubtaan, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in xoogaga weerarka qaaday ay la wareegeen halkii lagu dagaallamay iyagoo sii dhameystiray gaadiidkii ku gubtay dagaalka.


Dhinaca kale askari katirsan ciidamada maamulka 'Hirshabelle' ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Jowhar ee Xarunta Sh/dhexe.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo Al Shabaab katirsan ay weerareen bar koontarool oo ku dhow buundada Jowhar iyagoo askariga dilay kadibna horay usii qaatay hubkii uu watay askariga ladilay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay dhammaan mas'uuliyadda weeraradii saacadihii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda lagula beegsaday Sh/dhexe.



Related Items