Wasiir Maareeye oo Reer Somaliland si dadban ugu baaqay in ay Raacaan Itoobiya!!

Tuesday February 18, 2020 - 11:07:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 1
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye oo Reer Somaliland si dadban ugu baaqay in ay Raacaan Itoobiya!!

    Xilli dalka Soomaaliya oo dhan si weyn looga hadal hayo qariidadda uu baahiyay Abiy Axmed iyo safarka la sheegay in uu Farmaajo ku geynayo magaalada Hargeysa ayaa waxaa Wasiirka Warfaafinta ee DFS Maxamad Cabdi Xayir Maareeye kasoo baxay hadal lama f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli dalka Soomaaliya oo dhan si weyn looga hadal hayo qariidadda uu baahiyay Abiy Axmed iyo safarka la sheegay in uu Farmaajo ku geynayo magaalada Hargeysa ayaa waxaa Wasiirka Warfaafinta ee DFS Maxamad Cabdi Xayir Maareeye kasoo baxay hadal lama filaan ah oo shaki badan abuuray.


Maareeye oo wax laga weydiiyay socdaalka mataanaha ah ee Farmaajo iyo Abiy ee Hargeysa ayaa sheegay in uusan waxba kala socon balse dadka reer Somaliland looga baahan yahay in ay soo dhaweeyaan oo haddii aysan aqoonsanayn xataa ay ula dhaqmaan sida madaxweyne dal kale.

Intaa kadib Maareeye ayaa wuxuu ka shanqariyay hadal la yaab leh isagoo yiri "waxaan jecelahay in aan talo halkan uga soo jeediyo shacabka iyo madaxda reer Somaliland oo runtii ah meelaan kasoo jeedo wanaagna la jecelahay, waxaan kula talinayaa buuqa iska daaya oo la imaada siyaasad iyo talo aad kula jaan qaadi kartaan isbadalka siyaasadeed iyo dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika oo haddii aad ka hadhaan mar dambe meelaad kala qabsataan eydaan heleyninaā€¯


Hadalka Maareeye ayay siyaasiyiintu ku micneeyeen mid fasiraad ka bixinaya qariidada Abiy Axmed uu soo bandhigay ee uu Somaliland ku darsaday dalkiisa xilli uu jiro hami ay Xabashidu leedahay oo ah in Geeska Afrika la isku daro islamarkaana ay iyagu madax u noqdaan.

Muddo 15 sano ka hor ayay ahayd markii Xuseyn Caydiid Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii C/llaahi Yuusuf uu sheegay in Itoobiya damacsan tahay in la isku daro labada dal lana sameeyo hal xuduud, hal lacag iyo hal Baasaboor.

Related Items