Mas'uul Xilkiisa ku waayay Madaafiicdii ay shalay Al Shabaab Ku Garaaceen Xerada Xalane.

Tuesday February 18, 2020 - 11:13:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Xilkiisa ku waayay Madaafiicdii ay shalay Al Shabaab Ku Garaaceen Xerada Xalane.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Wadajir sababo la xariira duqeyntii ay shalay guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab u geysatay xerada Xalane oo fadhi u ah shisheeye kala duwan oo ay safa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Wadajir sababo la xariira duqeyntii ay shalay guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab u geysatay xerada Xalane oo fadhi u ah shisheeye kala duwan oo ay safaarado kamid yihiin.


Sida xogta lagu helayo dowladda ayaa canaan kala kulantay ajaanibta Xalane heysata taas oo keentay in si degdeg ah xilka looga qaado Cabdi baasid Maxamuud Cagay taliyihii Booliska ee Wadajir.

Tallaabadan xil ka qaadista ah ayaa waxaa sameeyay taliyaha guud ee Boliska DF-ka Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo isagu ka baqayay in uu jagadiisa ku waayo dhacdadan balse wuxuu isku furtay tallaabadaasi uu qaaday isagoo taliye cusub magacaabay.


Dowladda Federalka ayaa u muuqanaysa mid juhdi badan ku bixinaysa raali galinta ajaanibta sababtoo ah markii la weeraro xarumaha dowladda iyo hoteellada ay mas’uuliyiinteedu dagaan ma dhacdo in uu taliye xilkiisa ku waayo.

Shalay ayay ahayd markii ay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay duqeeyeen xerada Xalane 4 madfacna ay la heleen bartilmaameedyadii ay daneynayeen sida xogta lagu helayo balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.


Related Items