Weeraro Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal degmooyinka Galgala iyo Buula Burde.

Tuesday February 18, 2020 - 21:25:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal degmooyinka Galgala iyo Buula Burde.

    Weerar hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo waqooyi Bari dalka Soomaaliya waxaana weeraradaas geystay Xoogaga katirsan Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo waqooyi Bari dalka Soomaaliya waxaana weeraradaas geystay Xoogaga katirsan Al Shabaab.


Maanta duhurkii ayaa weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ku hoobanayay gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar nadaafiic ah uu lakulmay mid kamida saldhigyada ciidamada maamulka Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dhowr madfac laheleen saldhigga ciidamada Daraawiishta oo lagu magacaabo Gamaah ee kuyaal deegaanka Galgala oo dhaca duleedka magaalada Boosaaso.


Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada maamulka 'Puntland' kasoo gaaray weerarkii madaafiicda ahaa ee ka dhashay deegaanka Galgala oo dhaca duleeda Boosaaso.

Related Items