Qaar kamid ah saraakiisha gaarka ah ee Axmed Madoobe oo qarax ku dhintay iyo dil ka dhacay Buurhakaba.

Tuesday February 18, 2020 - 21:43:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah saraakiisha gaarka ah ee Axmed Madoobe oo qarax ku dhintay iyo dil ka dhacay Buurhakaba.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro cusub oo ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Baay iyo Jubbada Hoose oo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro cusub oo ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Baay iyo Jubbada Hoose oo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ayaa sababay khasaara xooggan oo gaaray saraakiisha ciidamada maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ee dabadhilifka u ah dowladda Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in miino wadada hareeraheeda lagu aasay ay lakacday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiisha gaarka ah ee Axmed Madoobe, laba sarkaal oo mid uu yahay Gaashaanlle dhexe ayaa ku dhintay qaraxa.


Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in labada sarkaal ee qaraxa ku dhintay ay kamid yihiin ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Dhinaca kale weerar ka dhacay bartamaha magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa lagu dilay mid kamida odayaashii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagasoo doortay dhanka maamulka 'Koonfur Galbeed'.

Rag hubaysan ayaa Buurhakaba ku dilay Max'med Ooye waxayna ka qaateen Bastoolad uu watay, dhammaan mas'uuliyaddan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Related Items