Faah faahin: inka badan 40 Askari oo dowladda looga dilay weerarkii Ceelsaliini iyo gaadiid laga Furtay.

Wednesday February 19, 2020 - 11:47:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 12 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin: inka badan 40 Askari oo dowladda looga dilay weerarkii Ceelsaliini iyo gaadiid laga Furtay.

    Faahfaahin ayaa kasoo abxaysa weerarkii ay saaka aroortii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab kula jarmaadeen xerada Ceelsaliini oo u dhow magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo ay difaacyo waaweyn ku lahaayeen ciidamada Dowladda Feder

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahin ayaa kasoo abxaysa weerarkii ay saaka aroortii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab kula jarmaadeen xerada Ceelsaliini oo u dhow magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo ay difaacyo waaweyn ku lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka ah.


Weerarkan oo lagu billaabay camaliyad Nafhurnimo ah oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay walxaha qarxa  islamarkaana ay xigeen ciidamo aad u hubeysan oo gudaha u dhaadhacay ayaa waxaa askarta DF-ka kasoo gaaray khasaare lixaad leh.

Ku dhawaad 40 askari ayaa DF uga dhimatay weerarka qaarkood waxaa gallaaftay weerarkii Nafhurka ahaa, halka qaarka toogashooyin lagu dilay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.


Dhanka Xarakada Al-Shabaab waxay si horudhac ah saxaafadda ugu sheegtay in ay dileen 41 askari oo waliba  inta badan meydadkooda lagu arkay xerada dhaxdeeda  waxaana suura gal ah in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

Intaas waxaa dheer in ay Dowladda Federaalku weerarka ku weysay gabi ahaanba gaadiidkii xerada yaallay oo ay tiradoodu ahayd 6 gaari kuwaas oo noqday wax la gubay iyo qaar la qaatay.

Inta la hubo waxaa xerada lagu arkay 4 gaari oo ay gubeen dagaal yahanada Al-Shabaab halka labada kalana ay kaxaysteen Waxaa kale oo jirta in ciidanka Al-Shabaab ay rarteen sannadihii melleteri ee goobta yiillay oo ka koobneed hub iyo agabyo kale.

Dhacdadan ayaa ka dhigan dharbaaxo weyn oo ku dhacday ciidanka Farmaajo mana ahan markii ugu horreysay ee cagta la mariyo xerada Ceelsaliini.

Ma jirin wax gurmad ah oo ay ciidanka DFS  ka heleen askarta shisheeye ee heysata Nambar 60, iyo Buufow oo u dhow magaalada Marko kuwaas oo iyaga qudhooda aad uga baqayay in lasoo jiiro xeryahooda.


Related Items