Saciid Deni oo Eryay Taliyihii ugu sarreeyay ciidamada maamulka 'Puntland'.

Wednesday February 19, 2020 - 06:40:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo Eryay Taliyihii ugu sarreeyay ciidamada maamulka 'Puntland'.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa shaqooyinkii ay hayeen ka eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada maamulkiisa xilli uu jiro khilaaf dhanka siyaasadda ah oo hareeyay habsami usocodka maamulka Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa shaqooyinkii ay hayeen ka eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada maamulkiisa xilli uu jiro khilaaf dhanka siyaasadda ah oo hareeyay habsami usocodka maamulka Garoowe.


Wareegto kasoo baxday Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu eryay labadii taliye ee ugu muhiimsaneed ciidamada 'Puntland' kuwaas oo ay aad isugu dhowaayeen Cabdi Wali Gaasi.

Taliyihii iyo Taliye ku xigeenadii ciidanka PMPF Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax iyo Admiral Maxamuud Siciid Ciise iyo Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf ayaa shaqada laga eryay Waxaana la magacaabay Afar Taliye oo cusub.

Sida ku cad wareegtada kasoo baxday xafiiska Deni  G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF halka G/dhexe Xabiib Faarax Xassan  loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.


Sidoo kale waxaa shaqada laga eryay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu awoodda badan maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garoowe.

Isbedelkan lagu sameeyay hoggaanka ciidamada ayaa imaanaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu Saciid Deni ku sugnaa Boosaaso halkaas oo uu shirar ku lalahaa hoggaamiye beeleedyo horay ugu hanjabay in ay dagaal lageli doonaan maamulka 'Puntland' haddii aan cabashooyinkooda laxallin.


Related Items