Cudurka Carona oo markii ugu horraysay dad ku dilay dalka Iiraan.

Wednesday February 19, 2020 - 20:57:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo markii ugu horraysay dad ku dilay dalka Iiraan.

    Cudurka dilaaga ah ee Karoona ayaa wali kusi fidaya wadanka Shiinaha ee dhaca qaaradda Aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga ah ee Karoona ayaa wali kusi fidaya wadanka Shiinaha ee dhaca qaaradda Aasiya.


Guddiga caafimaadka dowladda shiinaha uqaabilsan arrimaha cudurka Carona ayaa sheegay in dad ka badan 2000 oo qof ay u dhinteen cudurka islamarkaana ay la ildaranyihiin ku dhowaad 75 kun oo qof.

Dhinaca kale dadkii ugu horreeyay ayaa Carona Virus ugu dhintay wadanka Iiraan ee dhaca bartamaha qaaradda Asiya, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Iiraan ayaa sheegay in 2 qof oo iyagoo xanuunka Carona qaba ka yimid dalka shiinaha ay dhinteen.


Isbitaalka Magaalada Qum oo ah goobta ay labada qof ku dhinteen ayaa dhammaan bukaanadii jiifay lakaraantiilay, xukuumadda Tahran waxay sheegtay in ay xaalad feejignaan ah gelisay laamaheeda caafimaadka.

Waa markii ugu horraysay oo cudurkan dilaaga ah uu soo gaaro dalka Iiraan islamarkaana uu dad ku dilo.

Related Items