Weerar dad Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Mandheera.

Wednesday February 19, 2020 - 20:59:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dad Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Mandheera.

    Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale ka dhacay dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga dowladda Kenya ku jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale ka dhacay dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga dowladda Kenya ku jira.


Ugu yaraan Afar qof Kirishtaan Kenyaan ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii xoogag hubeysan ay weerareen gaari Bas ah oo ka yimid magaalada Nairobi kunasii jeeday degmada Mandheera.

Warbaahinta Maxalliga Kenya ayaa sheegtay in xoogag aad u hubeysan ay toogteen dadkii Kirishtaanka ahaa ee gaariga la socday iyagoona dhaawacay dad kale oo si dirqi ah uga badbaaday weerarka.

Taliyaha Booliska gobolka Mandheera ayaa weerarkan xaqiijiyay wuxuuna walaac ka muujiyay ammaanka wadada isku xirta magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi, Xarakada Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay qaadaysay weeraro lagu laayay askar iyo dad Kenyaan ah oo xoog lagu deegaameeyay dhulka NFD.




Related Items