Toogasho 11 qof ay ku dhinteen oo ka dhacday wadanka Jarmalka.

Thursday February 20, 2020 - 09:11:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho 11 qof ay ku dhinteen oo ka dhacday wadanka Jarmalka.

    Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in ku dhawaad 13 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib toogasho ka dhacday galbeedka wadanka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in ku dhawaad 13 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib toogasho ka dhacday galbeedka wadanka Jarmalka.


Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen toogasho rag hubaysan ay ka geysteen magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka dhacda.

Kooxaha weerarka geystay oo watay gaadiid muraayada madoow leh ayaa isaga baxsaday goobta, warbaahinta maxalliga Jarmalka waxay sheegtay in lamaqlay illaa 8 xabadood oo ay ridayeen laba ruux.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ugu badan ay ku dhinteen toogasho ka dhacday maqaaxi shiishadda lagu cabo, mas'uuliyiinta booliska magaalada Hanau ayaa diiday in ay bixiyaan caddaymo dheeraad ah oo ku saabsan weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.


Kooxaha toogashada geystay oo wata gaari nuuca raaxada ah ayaa la sheegay in ay ku dhax dhuumanayaan xaafadda Kesselstadt ee isla magaalada Hanau.

24-kii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo ayay aheyd markii weerar 6 qof ay ku dhinteen uu ka dhacay wadanka Jarmalka waxaana sare usii kacaya weerarada hubaysan ee wadankaasi ka dhacaya.


Related Items