Mareykanka oo ka digay dagaalka Ruushka iyo Turkiga ku dhaxmara Waqooyiga Suuriya.

Thursday February 20, 2020 - 09:57:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka digay dagaalka Ruushka iyo Turkiga ku dhaxmara Waqooyiga Suuriya.

    Melleteriga dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa qarka usaaran in ay ku dagaallamaan waqooyiga wadanka Suuriya halkaas oo ay dagaallo culus ka socdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa qarka usaaran in ay ku dagaallamaan waqooyiga wadanka Suuriya halkaas oo ay dagaallo culus ka socdaan.


Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in loolladana ka socda gobolka Idlib uu qarka usaaranyahay in ay ku dagaallamaan ciidamada Ruushka iyo Turkiga oo kala taageeraya nidaamka Al Asad iyo kooxaha mucaaradka ah.

Jonathan Hoffman oo ah Afhayeenka wasaaradda difaaca xukuumadda Washington ayaa ka digay in labada dowladood uu dagaal wakaaladeed ku dhaxmaro gobolka Idlib.

Melleteriga Turkiga ayaa kumanaan askari ku daad gureeyay gobolka Idlib wuxuuna ku hanjabay in uu tallaab adag ka qaadi doono ciidamada nidaamka Bishaar Al Asad haddii ay dib uga gurasho ka sameyn waayaan gobolka ka hor dhammaadka bishan Feberaayo.


Dowladda Ruushka oo kumanaan askari ay ka joogaan wadanka Suuriya ayaa taageero dhan walba ah siinaysa ciidamada nidaamka Al Asad kuwaas oo wada guluf dagaaleed ka dhan ah xoogaga mucaaradka sunniga ah.



Related Items