Abaan duulihii ciidamada Maamulka 'Jubbaland' iyo 6 Askari oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Kismaayo.

Thursday February 20, 2020 - 10:18:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 6
  • Share via Social Media

    Abaan duulihii ciidamada Maamulka 'Jubbaland' iyo 6 Askari oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Kismaayo.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay tiro qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanka dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo ku sugan Baarka
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay tiro qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanka dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in weeraro ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni uu sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray ciidamada maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Illaa sedax qarax oo shalay gelinkii dambe ka dhacay hareeraha deegaanka Baarka ayaa sababay dhimashada 7 askari iyo dhaawac soo gaaray toban kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abaan duulihii ciidamada maamulka 'Jubbaland' uu kamid yahay askarta qaraxa ku dhimatay.


Wararku waxay sheegayaan in Abaanduulaha oo magaciisa lagusoo gaabiyay Macallin Nuur ay ladhinteen sedax kamid ah ilaaladiisa kadib markii qarax ku qabsaday duleedka deegaanka Baarka,

Qarax kale oo isna isla shalay ka dhacay Jubbada Hoose waxaa ku dhintay Afar askari, xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo qaraxyo kala hortagay dhaq dhaqaaq ay ciidamo American iyo Soomaali ah xilli ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen waqooyiga magalada Kismaayo.

Maalin ka hor waxaa duleedka Kismaayo lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsanaa ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe waxaana kamid ahaa sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Saalim kadib markii qarax lala helay gaari Cabdi Bila ah oo ay la socdeen.


Related Items