Toban kun oo ruux Shiinays ah oo qarka usaaran in ay udhintaan Cudurka Carona.

Thursday February 20, 2020 - 10:19:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban kun oo ruux Shiinays ah oo qarka usaaran in ay udhintaan Cudurka Carona.

    Waxaa sare usii kacaya dadka u dhimanaya cudurka dilaaga ah ee CaronaVirus kaas oo laba bil ka hor ka dilaacay wadanka Shiinaha ee dhaca qaaradda Aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kacaya dadka u dhimanaya cudurka dilaaga ah ee CaronaVirus kaas oo laba bil ka hor ka dilaacay wadanka Shiinaha ee dhaca qaaradda Aasiya.


War rasmi ah oo kasoo baxay guddiga caafimaadka dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in cudurka Carona ay udhinteen dad gaaraya 2118 qof, shalay oo kaliya waxaa cudurka u dhintay 114 qof oo badankood ku dhintay bartamaha Shiinaha.

Dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii Isbitaalka guud ee magaalada Wuhan oo ah meeshii ugu horraysay ee cudurkaan uu ka bilaawday, dowladda Shiinaha waxay shaacisay in dad gaaraya 11864 oo qof ay xaalad halis ah ku suganyihiin ayna dhici karto in ay dhintaan.


Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tobanaan kun ay yihiin bukaanno halis ah waxayna ku dhibanyihiin isbitaallada lagu karaantiilay ee gobolka Hubi ee bartamaha Shiinaha dhaca.

Related Items