Ciidanka DF Soomaaliya oo 66 sano Kadib wata Astaantii Uu Gumeystihii Talyaaniga u sameeyay.

Thursday February 20, 2020 - 17:51:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka DF Soomaaliya oo 66 sano Kadib wata Astaantii Uu Gumeystihii Talyaaniga u sameeyay.

    Ciidanka Milatariga DFS, waxaa la aas aasay sannadkii 1954tii goortaas oo ay dalka heysteen gumeystayaasha reer Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Milatariga DFS, waxaa la aas aasay sannadkii 1954tii goortaas oo ay dalka heysteen gumeystayaasha reer Yurub.

Waxaa lagu aas-aasay 14 sarkaal oo tababar loogu diray dalka Talyaaniga kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 1956dii.

Markaas gumeystuhu wuxuu sheegay inuusan awoodin dhismaha Milatariga hase ahaatee wuxuu saraakiishan ku biiriyay Boliska oo horey ugu dhisnaa.

Ciidanka milatariga ayaa la kiciyay 1960kii markii xorriyadda la qaatay iyadoo ujeedada gumeystuhu ahayd in uu dalka uga tago hay’ado kuwiisii oo kale ah oo ku matali kara hab maamulka iyo mabaadi’da.




Baarlamaankii 60kii waxay kala doorasho ku sameeyeen in kitaabka Qur’aanka iyo sunnada lagu dhaqmo iyo in Dastuurka gumeystuhu qoray lagu dhaqmo waxaana xussid mudan in dhammaantood doorteen Dastuurka marka laga reebo hal xildhibaan oo diinta doortay.

Good iyo abees bays bedeley garanamaysaane
Goraygii ilmihi buu kategey guumiska ahaaye
Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareeye
Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay

Ciidanka milatariga wuxuu gumeystaha u sameeyay astaan midab ahaan ka kooban cagaar buluug iyo gaduud, dhaxdana uu kaga qoran tahay calaamadda Kiristanka oo lagu muujiyay Gorgor ama Gallayr.

Ciidanka Milatariga DFS, ayaa waxay sannad kasta u dabbaal degaan maalintii uu gumeystuhu dhisay oo ah 1da April.

Dadka aqoonya u leh arrimaha ciidanka ayaa aaminsan in arrintaas darteed mar walba ay Al-Shabaab u guuleystaan ugana adkaadaan ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa dhankooda wata calan madow oo uu dhaxda towxiidku kaga qoran yahay mana ahan mid ay sameeyeen gumeystayaashii ee waa calankii dagaalka ee Nabi Muxamad Sallalaahu calayhi wasallam, sida ku cad Axaadiith badan.

Ugu dambentii miyaaney Soomaalidu xaq u lahayn iney ka guuraan astaamihii gumeystaha islamarkaana sameystaan wax ay iyagu leeyihiin oo dhaqankooda iyo diintooda ku saleysan?.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

Related Items