Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerarkii Dadka Kenyaanka ah lagu dilay ee ka dhacay Mandheera.

Thursday February 20, 2020 - 18:06:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerarkii Dadka Kenyaanka ah lagu dilay ee ka dhacay Mandheera.

    War kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar dad Kenyaati ah lagu dilay oo shalay ka dhacay gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar dad Kenyaati ah lagu dilay oo shalay ka dhacay gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD.


Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu wadada ugaleen gaari Bas ah xilli uu ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera, weerarka waxaa lagu dilay 4 qof Kirishtaan Kenyaati ah kuwaas oo xoog lagu dajiyay dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

Weerarkan gaariga baska ah lagu beegsaday ee shalay ka dhacay Mandheera ayaa sababay in hakad lageliyo gaadiidkii dadka Kenyaatiga ah isaga kala gudbin jiray magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera.


Al Shabaab waxay ku hanjabtay in ay sare usii qaadi doonto beegsiga ay ku hayso askarta iyo shacabka Kenya ee ku sugan gobollada Lamu iyo NFD, tan iyo markii ay ciidamada Kenya duullaanka gardarrada ah kusoo qaadeen Soomaaliya sanadii 2011 ayay weerarada Al Shabaab kusii xoogeysanayeen gudaha wadankaasi.

Related Items