Ciidamo Turki ah oo markale lagu dilay Waqooyiga Suuriya.

Thursday February 20, 2020 - 19:23:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Turki ah oo markale lagu dilay Waqooyiga Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib ugua bilaawdeen waqooyiga wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib ugua bilaawdeen waqooyiga wadankaas.

Ciidamada Melleteriga Turkiga iyo xoogaga mucaaradka ayaa bilaabay olole melleteri oo ka dhan ah ciidamada nidaamka Bishaar Al Asad ee haysta deegaano katirsan gobolka Idlib.

Dagaallo culus kadib ayay xoogaga mucaaradka usuurtagashay in ay qabsadaan inta badan xaafadaha magaalada Neyrab ee gobolka Idlib, ciidamada melleteriga Turkiga ayaa dhanka madaafiicda ka taageeraya dagaalyahanadda Mucaaradka.

Dhinaca kale askar Turkish ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo diyaaradaha nidaamka Bishaar Al-asad ay ka fuliyeen duleedka magaalada Saraaqib ee gobolka Idlib, wasaaradda difaaca Turkiga ayaa iclaamisay in ugu yaraan 2 askari looga dilay duqeynta uu geystay nidaamka Suuriya.


Wariyaal ku sugan Suuriya ayaa soo sheegaya in dagaal dhaxmara melleteriga Turkiga iyo Ruushka laga cabsi qabo haddii ciidamada Turkiga sii wadaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Bishaar Al-asad.


Related Items