Awood Jihaadi ah oo dhoollatus Melleteri ka samaysay degmda Jamaame ee Jubbada Hoose.

Thursday February 20, 2020 - 21:26:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awood Jihaadi ah oo dhoollatus Melleteri ka samaysay degmda Jamaame ee Jubbada Hoose.

    Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacay dhoolatus milatari oo ay sameeyeen qeybaha kala duwan ee ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacay dhoolatus milatari oo ay sameeyeen qeybaha kala duwan ee ciidamada Xarakada Al-Shabaab.


Ciidamo aad u qalabaysan oo wata hubkooda ayaa socod dheer ku maray waddooyinka waaweyn ee degmada waxayna ahaayeen kuwa xamaasadaysan oo ku dhawaaqayay Takbiirta (Allaahu akbar)

Dad weyne fara badan oo dhankoodana qiiraysan ayaa isugu soo baxay jidadka kuwaasoo iyaguna muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dhoolatuska milatari.

Dhoolatuskan ayaa kusoo aaday iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Al-Shabaab laba jibaareen weerarada ka dhanka ah maleeshiyaaddka maamulka Jubbaland ee ay ka fuliyaah Kismaayo hareeraheeda.


Dorraad waxay dhabbaha u galeen kolonyo horudhac u ahayd socdaal uu hogaamiyaha Jubbaland ku aadi lahaa degmada Dhoobleey iyagoo ka gubay gaari saraakiil iyo ciidamana ka dilay, Axmad Madoobana safarkiisii ka baajiyay.

Awooda maamulka Jubbaland ayaa isugu soo uruurtay dicaayad iyo sheegashooyin aan waxba ka jirin waxaana ay dadka ku dhaqan degmada Jamaame iyo tuulooyinka ku dhow inoo sheegeen in ciidankii Dhoollatuska sameynayay uu u ruqaansaday dhanka duleedka magaalada Kismaayo.

Arbacadii shalay ayay ahayd markii milatariga Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose ay DFS oo ka dileen ku dhawaad 80 askari islamarkaana ka furteen saanad iyo gaadiid dagaal.

Related Items