Dab ka kacay Isbitalka guud Ee magaalada Burco.

Friday February 21, 2020 - 13:45:14 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dab ka kacay Isbitalka guud Ee magaalada Burco.

    Dab xooggan ayaa xalay galinkii dambe ka kacay isbitalka guud magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa xalay galinkii dambe ka kacay isbitalka guud magaalada Burco ee gobolka Togdheer.


Wararka nagasoo gaaraya Burco ayaa waxay sheegayaan in dabku uu si lama filaan ah ku kacay kadibna gurmad xooggan oo la sameeyay awgii loogu guuleystay in la baqtiiyo.

Muddadii uu dabku socday ayaa waxaa isbitalka laga saaray dadkii bukaanka ahaa, mana jirin wax khasaare dhimasho ah oo uu geystay.

Dabka ayaa waxa uu sababay khasaare hantiyeed, gaar ahaan wuxuu baabi’iyay qaar kamid ah oo kamid ah dhismaha isbitalka iyo qalabkii caafimaadka ee lagu shaqeynayay.


Waa markii 4aad oo uu dab ka koco Somaliland bishan gudaheeda iyadoo aysan jirin cid si rasmi ah u baartay, inkastoo lagu guda jiro xilliga jiilaalka oo ay inta badan sahlan tahay in dab koco maadaama ay dabaylo badan jiraan.

Related Items