ilbaxnimada dadka qaar waxay u fahmeen si leexsan oo ah in ciddii
gummeysiga la shaqeysaa ay ilbax tahay, waa sababta gumeysigu marwalba ciddii la
socota uu ugu tilmaamo ilbax kuwa ka soo horjeedana ugu sheego argagixiso dadka ka dambeeya.
Bilaa xikmad iyo dhammaan weedhaha liidnimada tilmaama oo dhan Haddaba
ilbaxnimo marka si dhab ah loo fasirayo waa in dadku marka ugu horreysa ay xor
yihiin kadibna waa in ay ka hormaraan dhinacyo kala duwan sida dhaqanka, dhaqaalaha,
waxbarashada, siyaasadda iyo hab maamulka. dalna ma hormari karo isaga oo aan
xor ahayn haddii kale weligiiba waxa uu ahaadaa qof wax loo yeedhiyo oo aan
taladiisa lahayn.
Ilbaxnimada aynu soo sheegnay waata
sababtay in dadku ku hardamaan ballaadhinta ilahooda dhaqaale sida beeraha,
dekedda, waddooyinka iyo isku xidhka gaadiidka. Itoobiya oo aynu ognahay sida
ay ugu dadaasho inay ahaato ta kaliya ee wax laga weydiiyo geeska afrika ayaa
waxa ay maalmihii u dambeeyay iska dhigaysay mid rabta in ay wadahadashiiso maamulka
dawlada federaalka iyo kan somaliland.
Waxa aad looga dareemay geyiga soomaalida
imaanshaha farmaajo iyo Abiy Axmed ee Hargeysa taas oo buuq badan dhalisay.
Akhristow ogow in xaaladaha siyaasadeed la abuuro si dadku uga jeestaan hadba
waxa lagu foogganyahay oo aaney u ogaanin dhagarta loo maleegayo.
Waxa la
sheegaa in waagii waxa loogu yeedho koobka adduunka lagu qabtay koonfur afrika
ay siyaasad weyni ka dambaysay oo la rabay in shirkado reer galbeed ay gurtaan
macdanaha dalkaasi hodanka ku yahay. Hadda falanqeyn badan oo baraha bulshada
aad uga socotay kadib waxa si dhuumasho ah Hargeysa ku yimid wasiirka
maaliyadda ee itoobiya Axmed Shide oo ilo dhow dhowi ay rumeysan yihiin inuu
Muuse biixi kala hadlay sidii itoobiya u maalgashan lahayd dekedda
istaraatiijiga ah ee Zeylac.
Taas oo la sheegay in Muuse Biixi bilaa shuruud ku
aqbalay maadaama maamulkiisa ay lasoo darseen dhaqaalo xumo baahsan iyo
cakirnaan siyaasadeed. Muuse oo sheegay in markii uu Abiy lasoo hadley uu
degdeg u tagay waxa ay tilmaameysaa cakirnaanta siyaasadeed ee soo wajahdey iyo
sida uu isaga gadayo xabashida.
Dekedda Zeylac oo ah meelihii weligood ay aadka ugu hirdami jireen muslimiintii Zeylac iyo boqortooyooyinkii nasaarada
xabashida ayaa lala rabaa in ay noqoto meel shisheeye u xidhan.
Soomaalida oo ah
ummad aan dagaalada lagu jebin qarni kasta oo la joogona laga helo koox halganta
ayaa la odorosayaa in aan xabbad lagaga adkaan karin balse looga adkaan karo
khiyaamo ay dabadhilifyo wejiga soomaali uga eeg maankana axmaaro ka ahi
sameeyaan.
Ugu dambeyn qoraalkeygan waxa aan kusoo
koobayaa in dadka soomaaliyeed aanay ku kadsoomin been abuurka siyaasadeed oo
ay diintooda iyo dadnimadooda ilaashadaan. Waligeedna lama arkin waddan
cadawgiisa mideeya oo wanaagooda ka taliya. Xabashi baa soomaaliya dawlad ka dhisaysa
waa dameer geeso yeeshay.
W/Q: Wadaadyare Xaashi
Itoobiya ayaa Soomaaliya midaynaysa wax aan maanka gelin! W/Q: Wadaad Yare.
Sida la ogyahay qaran kasta oo dunida ka taagani waxa uu leeyahay mabda' iyo u jeeddo u adeega danaha shacabkiisa iyo himiladooda fog. Haddaba waa in la ogaadaa in dunida casriga ah lagu tartamayo dhisidda maamul ilbaxnimo ay lafdhabar u tahay w