Xabad joojin udhaxaysa Mareykanka iyo Taliban oo ka dhaqan gashay wadanka Afghanistan.

Saturday February 22, 2020 - 09:50:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad joojin udhaxaysa Mareykanka iyo Taliban oo ka dhaqan gashay wadanka Afghanistan.

    Waxaa si rasmi ah wadanka Afghanistan uga dhaqan gashay Xabad joojin udhaxaysa imaarada Islaamiga Afghanistan (Taliban) iyo dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si rasmi ah wadanka Afghanistan uga dhaqan gashay Xabad joojin udhaxaysa imaarada Islaamiga Afghanistan (Taliban) iyo dowladda Mareykanka.


War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu amray ciidamada Mujaahidiinta in aysan isdhigan oo ay xaalad feejignaan ah ku jiraan todobada maalmood ee uu socanayo heshiiska xabad joojinta ah.

Hoggaanka Imaarada islaamiga ah wuxuu sheegay in Xabad joojintu ay ka dhaqan gelayso dhammaan gobollada wadanka Afghanistan ee 19 sanadood ay dagaalladu ka socdeen.


Saraakiil katirsan Taliban oo ciidamadooda kula hadlayay goobaha xabad joojintu ka xasishay ayaa amray in aan wax tacaamul ah lala yeelan karin ciidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

Xabad joojinta maanta bilaabatay ayaa socan doonta 7 maalmood kadibna Donald Trump ayaa qalinka ku duugi doono in ciidamadiisa uu kala bixi doono Afghanistan muddo 18 bilood gudahood ah.

Taliban oo 19 sanadood xiriir ah dagaal kula jirta Mareykanka iyo isbahaysiga NATO ayaa cadowga jinsiyadaha kala duwan leh sanka dhulka ugu jiidday ugu dambeyna waxay dalbadeen in wadahadallo lala furo si ay ciidamadooda wadanka ugala baxaan.


Related Items