Ciidamada Burundi oo dad shacab ah ku dilay degmada Mahadaay Sh/dhexe.

Saturday February 22, 2020 - 10:00:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Burundi oo dad shacab ah ku dilay degmada Mahadaay Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe halkaas qarax lagula beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Burundi toogasho ugeysteen dad xoola dhaqata ah oo xoolo ku daajinayay wadada laamiga hareeraheeda.

Ugu yaraan hal qof ayaan dhintay 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ciidamada AMISOM ay si bareer ah u toogteen dadka shacabka ah, ciidamada shisheeye ayaa markii ay dadka dileen kadib waxay ugudbeen dhanka garoonka diyaaradaha Jowhar.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada Burundi ay dad shacab ah ku xasuuqaan deegaannada ay uga suganyihiin Sh/dhexe.


Related Items