Cudurka Carona Virus oo qof ku dilay Talyaaniga iyo dowladda Shiinaha oo warbixin cusub soo saartay.

Saturday February 22, 2020 - 10:43:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona Virus oo qof ku dilay Talyaaniga iyo dowladda Shiinaha oo warbixin cusub soo saartay.

    Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in dadkii ugu badnaa ay marqura udhinteen cudurka dilaaga ah ee lagu magacaabo CaronaVirus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in dadkii ugu badnaa ay marqura udhinteen cudurka dilaaga ah ee lagu magacaabo CaronaVirus.


Guddiga caafimaadka dowladda Shiinaha uqaabilsan latacaalidda Carona ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay dhinteen 109 qof islamarkaana cudurkan uu asiibay 397 qof kuwaas oo xaaladoodu liidato.

isku geyn dadka u dhintay Cudurka Carorona ayay dowladda Shiinaha ku sheegtay 3445 qof iyadoona ay xaalad halis ah ku suganyihiin dad ka badan 11-kun oo qof kuwaas oo badankood kunool gobolka Hubi ee dhaca bartamaha wadankaasi.

Dhinaca kale dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay 142 qof oo cudurka Carona uu soo ritay shalay oo kaliya taas oo ka dhigan in 346 qof ay wadanka Kuuriga ku xanuunsanayaan.


Sidoo kale Carona ayaa qofkii ugu horreeyay ku dilay wadanka Talyaaniga ee qaaradda Yurub, wasiirka caafimaadka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in nin 78 sana jir ah uu cudurka udhintay.

Dhimashada qofkan Talyaaniga ah ayaa ka dhigan in qofkii ugu horreeyay ee Yurubiyaan ah uu CaronaVirus ugu dhintay gudaha qaaradda horay qof Shiinays ah ayaa Faransiiska ugu dhintay cudurkaan halista ah.

Dowladda iiraan waxay sheegtay in Afar qof ay Carona ugu dhinteen magaalada Qum halka tobanaan kale ay la ildaranyihiin, maamulka isku magacaabay Israa'iil wuxuu iclaamiyay in qofkii ugu horreeyay oo Yahuudi ah uu cudurkan ku asiibay dhulka Falsdiin ee gummeysiga kujira.


Related Items