Saldhigga ciidamada maamulka 'Jubbaland' ee degmada Afmadoow oo Weerar xooggan lakulmay.

Saturday February 22, 2020 - 10:48:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidamada maamulka 'Jubbaland' ee degmada Afmadoow oo Weerar xooggan lakulmay.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen saldhigyo ciidan oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen saldhigyo ciidan oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland.


Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Afmadoow ee ee Jubbada Hoose.

Dagaal culus ayaa la sheegay in labada dhinac uu ku dhaxmaray degmada Afmadoow, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta hub culus oo lays dhaafsanayay balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa madaafiic ku weeraray saldhigga ciidamada Axmed Madoobe ee kuyaal deegaan Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.


Related Items