Hoggaamiyihii Fallaagada Koonfurta Suudaan oo madaxweyne Ku xigeen loo dhaariyay.

Saturday February 22, 2020 - 19:03:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyihii Fallaagada Koonfurta Suudaan oo madaxweyne Ku xigeen loo dhaariyay.

    Kooxaha fallaagada koonfurta Suudaan iyo xukuumadda Jubba ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis dhamaystiran oo lagusoo afjarayo dagaalkii sokeeyay ee wadankaasi ka socday 5tii sano ee lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha fallaagada koonfurta Suudaan iyo xukuumadda Jubba ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis dhamaystiran oo lagusoo afjarayo dagaalkii sokeeyay ee wadankaasi ka socday 5tii sano ee lasoo dhaafay.


Salava Kir madaxweynaha dowladda Nasaarada Koonfurta suudaan ayaa madaxweyne ku xigeenka wadanka umagacaabay Riek Machar oo ahaa hoggaamiyihii kooxaha fallaagada mucaaradka ah.

Heshiiska ay gaareen labada dhinac ayaa dhigaya in Mashaar iyo Salava Kir ay si wada jir ah usoo dhisaan xukuumad midnimo qaran leh.

qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah in lasoo dhiso 10 guddoomiye gobol iyo maamullada maxalliga degmooyinka, kooxaha fallaagada ayaa axaddii lasoo dhaafay diiday in koonfurta Suudaan dib loogu celiyo nidaamkii federaaliga ahaa.


Ninka hadda madaxweyne ku xigeenka loo magacaabay ayaa xilkan horay u hayay sanaddii 2011 illaa 2013 balse markii dambe ayay kala boodeen wuxuuna Mashaar hoggaamiyay dagaal lagu naafeeyay ciidamada dowladda.

Afhayeen uhadlay xukuumadda Jubba ayaa wakaaladda wararka Faransiiska u sheegay in dhankoodu ay sii wadi doonaan wadatashiyada ku aaddan soo dhisidda xukuumad ay iska dhax arki karaan dhammaan dagaal oogayaasha isku haya talada wadankaasi.

Dagaal sokeeyay oo sanadadii lasoo dhaafay ka dhacay Koonfurta suudaan oo dadka ku dhaqan cawaan ubadanyihiin ayaa sababay dhimashaa tobanaan kun oo qof iyadoona ay barakaceen tiro intaas ka badan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items