Sawirro: Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo oo Maalintii Sadaxaad Sameeyay Shaqo Joojin.

Saturday February 22, 2020 - 19:07:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo oo Maalintii Sadaxaad Sameeyay Shaqo Joojin.

    Waxaa maalintii sedaxaad aanan shaqeynayn ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib canshuur xad dhaaf ah oo uu kusoo rogay maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalintii sedaxaad aanan shaqeynayn ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib canshuur xad dhaaf ah oo uu kusoo rogay maamulka Puntland.


Ganacsatada ayaa dhaqan galiyay go’aan ay si wada jir ah u qaateen oo ahaa inaaney furin xarumahooda illaa uu maamulku ka laabanayo culayska dhaqaale ee uu kusoo dallacay.

Suuqyada ayaa ahaa kuwa haawanaya oo aanan laga dukaameysanayn halka bakhaarrada ay saarnaayeen qufullo waaweyn.

Arrintan ayaa ku dhawaatay in ay dhaliso kacdoon dad weyne maadaama bulshadu waysay meel ay wax ka iibsato waxaana ugu dambeyntii maanta soo fara galiyay guddoomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland Axmed Muuse Nuur kaas oo ganacsatada ka dalbaday in ay dib u shaqo billaabaan.


Ganacsaatada ayaa dhankooda sheegay in ay berri furayaan suuqa haddii uu maamulku si dhab ah uga laabto canshuur kordhinta uu sameeyay.

Maamulka Puntland ayaa canshuur badan ka qaata ganacsatada isagoo aanan dhankiisa u sameyn mashaariic la taaban karo oo ay dadku ku qanci karaan.



Related Items