Shacabka Soomaalida oo soo dhoweeyay Xayiraaddii laga qaaday Shirkadda Al Barakaat.

Sunday February 23, 2020 - 11:16:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Soomaalida oo soo dhoweeyay Xayiraaddii laga qaaday Shirkadda Al Barakaat.

    Tan iyo markii uu Mareykanku ku dhawaaqay inuu xayiraaddii gardarrada ahayd ka qaaday shirkadda Al-barakaat iyo dhaqaalaheediiba waxay dadka Soomaaliyeed soo bandhigayeen dareenkooda ku aaddan arrintaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii uu Mareykanku ku dhawaaqay inuu xayiraaddii gardarrada ahayd ka qaaday shirkadda Al-barakaat iyo dhaqaalaheediiba waxay dadka Soomaaliyeed soo bandhigayeen dareenkooda ku aaddan arrintaas.


Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay in xayiraadii la saaray shirkadda ay ka dhignayd mid lagu soo rogay Soomaali oo idil marka la eego kaalin dhaqaale ee ay ummada ugu jirtay.

Sidoo kale maamulka Shirkadda oo uu ugu sarreeyo Sheekh Axmad Nuur Cali Jimcaale ayaa meelo kala duwan oo uu ka hadlay ka sheegay inuu dadka Soomaaliyeed uga mahad celinayo dareenka ay muujiyeen.

Mareykanku ma aanu ka hadal inuu mag dhaw ka bixinayo dhaawaca uu u geystay shirkadda marka laga reebo inuu xayiraadda ka qaaday.


Wixii ka dambeeyay sanaddii 2001 ayuu maamulkii Bush ciriiri dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogay shacabka Soomaalida isagoo ku marmarsiyoonaya la dagaallanka Al Qaacidda, jamciyaad Kheyri ah oo wax weyn uqaban jiray soomaalida ayaa lamamnuucay sida hay'adii samafalka Al Xarameyn ee lagalahaa dalka Sacuudiga.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items