Shirar ka dhan ah dowladda Farmaajo oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Sunday February 23, 2020 - 11:55:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirar ka dhan ah dowladda Farmaajo oo ka furmay magaalada Muqdisho.

    Shirar siyaasadeed ayaa ka socda gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho shirarkaas oo sababay in dowladda Federaalka ay ciidamo dhigto qaar kamid ah Hoteellada caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirar siyaasadeed ayaa ka socda gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho shirarkaas oo sababay in dowladda Federaalka ay ciidamo dhigto qaar kamid ah Hoteellada caasimadda.


Shirarkan waxaa hormuud ka ah madaxweynayaashii soo maray  dowladda Federaalka Soomaaliy Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wararka ayaa intaas ku daraya in siyaasiyiin kale oo mucaaradsan nidaamka Farmaajo ay shirka ka qeyb gelayaan.

Cali Mahdi Max'med oo kamid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya soo maray ayaa la sheegay in qaban qaabada shirka uu kaalin weyn ku leeyahay.

ciidamo katirsan Nabad sugidda DF-ka ayaa la sheegay in ay isku gedaameen Hoteelka uu shirku ka socdo.


lama oga waxa kasoo bixi doono shirkan ka socda Muqdisho wuxuuna kusoo aadayaa xilli khilaaf siyaasadeed uu ka dhax jiro dowladda Farmaajo iyo siyaasiyiinta xildoonka ah waxaana sii dheer in ismariwaa uu ka dhax jiro maamul goboleedyada iyo Villa Somalia.



Related Items