Al Qaacidada Jaziiradda Carabta oo xaqiijisay dilka Sheekh Qaasim Al Riimi [dhageyso].

Sunday February 23, 2020 - 19:46:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Jaziiradda Carabta oo xaqiijisay dilka Sheekh Qaasim Al Riimi [dhageyso].

    War goordhow kasoo baxay Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta ayaa lagu xaqiijiyay in uu shahiiday Sheekh Qaasim Al Riimi oo ahaa miirka Tandiimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow kasoo baxay Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta ayaa lagu xaqiijiyay in uu shahiiday Sheekh Qaasim Al Riimi oo ahaa miirka Tandiimka.


Kalimad ay baahisay Mu'asasada Al Malaaxim ayay ku sheegtay in Hoggaamiye Qaasim Al Riimi lagu dilay weerar dhagar ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gudaha wadanka Yemen.

Amiirka cusub ee Al Qaacidada Jaziiradda Carabta ayaa loo magacaabay  Sheekh Khaalid  Baad Darfi oo kamid ahaa Mas'uuliyiinta Ururka.


Sheekh Xamad Bin Xamuud Al Tamiimi oo kamid ah saraakiisha Tandiimka Alqaacidda ee Jaziiradda ayaa bayaan uu akhriyay ku sheegay in Sheekh Qaasim Al Riimo uu shahiiday kadib markii ay duqeysay diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay.


Donald Trump hoggaamiyaha Mareykanka ayaa horraantii  bishaan sheegay in weerar xagga cirka ah ay ku dileen Sheekh Qaasim Al Riimi oo kamid ahaa ragga ay sida aadka ah u doon doonaysay xukuumadda Washington.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale duqeymo xagga cirka ah ugu dilay mas'uuliyiintii ugu sarraysay Al Qaaciddada Jaziiradda Carabta waxaana kamid ahaa Sheekh Abuu Basiira Nasir Al Wuxeyshi amiirkii hore ee tandiimka iyo culimo kale oo ahlu cilmi ah sida Sheekh Ibraahim Al Rubeyshi iyo Xaarith Al Nadaari.

Halkan ka degso Kalimadda Al Qaacidada Jaziiradda Carabta MP3.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items