Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay gobollada Bari iyo Sh/hoose.

Sunday February 23, 2020 - 19:40:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay gobollada Bari iyo Sh/hoose.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland.

Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Bambaanooyin oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen mid kamida koontaroollada soo galo xarunta gobolka Bari.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Sh/Hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay 30 madfac laheleen saldhigga Awdheegle.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii ku dhaawacmay duqeynta lageeyay isbitaallo kuyaal magaalada waxaana laga dayrinayaa qaar kamid ah ciidamada ay dhaawacyadu kasoo gaareen duqeynta.

Related Items