Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay ka feejigantahay Cudurka Carona.

Sunday February 23, 2020 - 14:44:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay ka feejigantahay Cudurka Carona.

    Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto cudurka dilaaga Carona ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto cudurka dilaaga Carona ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaanno lagu sameyn doono dadka dibadda ka imaanaya marka ay kasoo degayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho lahubin doono caafimaadka dadka laga shakiyo.

"Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaaladaha cudurka Coronavirus ee dunida waxayna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani" ayaa lagu yiri bayaanka.


 
Dowladda Federaalka ayaa maamul goboleedyada ka codsataya in ay sameeyaan isku xir si loola socdo dadka ay suurtagal tahay in cudurkani uu soo rito.

"Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Goboleed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray" ayaa lasii raaciyay bayaanka.

illaa iyo hadda majiro dal dhaca qaaradda Afrika oo laga helay cudurka Carona balse waxaa jirta cabsi ah in dad ka yimid Shiinaha ay cudurka soo geliyaan qaaradda, in kabadan 2400 qof oo Shiinays ah ayuu cudurkani dilay isagoo asiibay ku dhowaad 80 kun oo ruux.



 

 


 

Related Items