Xaalufin lagu hayo geedaha magaalada Kismaayo (Maqal).

Monday February 24, 2020 - 08:21:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalufin lagu hayo geedaha magaalada Kismaayo (Maqal).

    Jubbooyinka oo qeybo kamid ah gacantooda ay ku jirto dowladda kenya ayaa waxaa ka jira howlo lagu jarayo dhirta inkastoo xarakada shabaabul mujaahidiin ay u istaagtay inay ka hortagto xaalufkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jubbooyinka oo qeybo kamid ah gacantooda ay ku jirto dowladda kenya ayaa waxaa ka jira howlo lagu jarayo dhirta inkastoo xarakada shabaabul mujaahidiin ay u istaagtay inay ka hortagto xaalufkaasi.


Dad umuuqda inay ka macaayaan jarista geedaha ayaa magaalada ka jaray geedo waaweyn oo qaarkood ay talaalanyihiin in ka badan 100 sanno.

Maamulka Kismaayo ee jubaland oo aanan looga fadhin inay is hor istaagaan jarista dhirta ayaa xaqiijiyay geedaha laga jarayo magaaladaasi.

Duqa Kismaayo oo saxaafada la hadlay isagoo hortaagan geed weyn oo la jaray ayaa sheegay in howshaan dhir jarista ay ku howlanyihiin dad soo dagay magaalada oo aanan ahayn kuwii udhashay magaalada.



Dhirta ayaa faaido weyn uleh deegaanka balse nasiib darrada jirta ayaa ah in Soomaalid inbadan oo kamid ah aysan ku baraarugsanayn dhibaatada ka dhalan karta dhirta oo la xaalufiyo.

Mashruuca lagu jarayo dhirta ayaa ahaa mashruuc caalami ah oo gadaal ay ka riixayaan dowlado shisheeye.

Dhageyso Codka Duqa Kismaayo.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items