Weerar Askar Burundeys ah lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Buurane Sh/dhexe.

Monday February 24, 2020 - 19:35:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Burundeys ah lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Buurane Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan Sh/dhexe.


Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa dhintay mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii xoogag katirsan Al Shabaab ay weerar qorshaysan ku qaadeen deegaanka Buurane oo ku dhow degmada Mahadaay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyanadaha Al Shabaab ay shiish ku dileen hal askari AMISOM ah iyagoona dhaawac culus gaarsiiyay askari kale.

Deegaanka Buurane oo qiyaastii 3Km dhanka galbeed uga beegan degmada Mahadaay ee Sh/dhexe waxaa kusoo noq noqday weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items