Diyaarad Drone ah oo duqeyn ku dishay nin ganacsade ah xilli uu ku sugnaa duleedka degmada Jilib.

Monday February 24, 2020 - 20:11:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Drone ah oo duqeyn ku dishay nin ganacsade ah xilli uu ku sugnaa duleedka degmada Jilib.

    Diyaaradaha dowladda Mareykanka ayaa markale weerar cadawtooyo oo dad shacab ah lagu beegsaday ka geystay deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dowladda Mareykanka ayaa markale weerar cadawtooyo oo dad shacab ah lagu beegsaday ka geystay deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof shacab ah uu ku dhintay duqeyn ay diyaarad Drone ah ugeysatay nin ganacsade caanka ahaa Jubbooyinka.

Maanta gelinkii dambe ayay diyaarad Mareykanku leeyahay duleedka Jilibka ku dishay ganacsade Maxamuud Xaaji Siraad oo ahaa maamulihii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Laanta Jilib islamarkaana kamid ahaa beeralayda deegaanka.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka duqeynta ayaa ka dhacday gudaha beer uu ganacsade Maxamuud ku lahaa wabiga jiinkiisa, wuxuu ahaa 50 sana jir ganacsade ah islamarkaana kamid ahaa dadka beeralayda ah.


Ehellada dhibanaha ayaa markii ay duqeyntu dhacday kadib gaaray goobta waxayna soo aruuriyeen Meydkiisa oo burburay, bishii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha Mareykanka sidaan oo kale nin baaraleey ah ugu dileen tuulada Hoombooy oo qiyaastii 18 KM ujirta degmada Jilib.

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa duqeymaha ay ugeystaan dadka shacabka ah ku sheega in ay ku beegsadaan dagaalyahannada Al Shabaab waxaana muuqata gummaadka shacabka ay marmarsiimo usameysanayaan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items