Turkiga oo ku dhawaaqay in Askar looga dilay dalka Liibiya.

Tuesday February 25, 2020 - 10:25:11 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo ku dhawaaqay in Askar looga dilay dalka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa sheegaya in askartii ugu horraysay lagu dilay dagaalka wadankaasi ka holcaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa sheegaya in askartii ugu horraysay lagu dilay dagaalka wadankaasi ka holcaya.


Rajeb Dayid Erdogaan madaxweynaha Turkiga ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in weerar ka dhacay wadanka Liibiya looga dilay 2 askari Turki ah.

isagoo shir jaraa'id ku qabanayay magaalada Anqara ee caasimadda Turkiga ayuu yiri " laba askari ayaa nooga shahiidday halkaas oo ah Liibiya".

Madaxweynaha Turkiga ma sheegin cidda dishay ciidamada Turkida iyo magaalada looga dilay wadanka Liibiya, boqolaal askar iyo saraakiil Turki ah ayaa ku sugan dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Liibiya.


Dowladda Turkiga ayaa taageero aan qarsoonayn siisa xukuumadda aqoonsiga caalamiga ah haysta ee Alwifaaq, bishiii lasoo dhaafay ayuu baarlamaanka Turkiga meel mariyay qaraar ogolaanaya in askar iyo qalab melleteri loo daad gureeyo Liibiya.


Related Items