Cudurka Carona Virus oo haleelay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan katirsan dowladda Iiraan.

Tuesday February 25, 2020 - 18:08:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona Virus oo haleelay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan katirsan dowladda Iiraan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Iiraan ayaa sheegaya in cudurka dilaaga ah ee Carona Virus uu haleelay mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Shiicada Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Iiraan ayaa sheegaya in cudurka dilaaga ah ee Carona Virus uu haleelay mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Shiicada Iiraan.


Wasiir ku xigeenkii wasaaradda caafimaadka Iiraan iyo xildhibaan baarlamaan ayuu maanta soo ritay cudurka Carona waxaana laga dayrinayaa xaaladooda caafimaad.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee ku hadasha Afka dowladda ayaa xaqiijisay in wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo xildhibaanka baarlamaan ladhigay goob lagu karaantiilo dadka uu soo ritay cudurka Carona.

Wasiir ku xigeenka  wasaaradda caafimaadka Iiraan ayaa isagoo shir jaraa'ida si Live ah uqabanaya waxaa haleelay Carona, tani waxay ka dhigantahay in cudurkan uu kusii dhax faafayo bulshada Shiicada ubadan ee Iiraan.


Goor sii horraysay ayay xukuumadda Tahran sheegtay in dadka udhintay Viruska Carona ay gaareen illaa 15 qof islamarkaana boqolaal kale ladhigay isbitaallada wadanka, Iiraan waa dalka labaad ee dadka ugu badan uu ku dilay Carona marka laga reebo dalka Shiinaha.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items