Weerar hubaysan oo lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen gobolka Gaarisa.

Tuesday February 25, 2020 - 20:47:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar hubaysan oo lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen gobolka Gaarisa.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya uga sugnaayeen dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore dagaalyahanno katirsan Al Shabaab
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya uga sugnaayeen dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo Goorisa oo hoos yimaad magaalada Gaarisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa loo yaqaan KPR oo ah ciidamo ay dowladda Kenya ugu talagashay in ay ku gummeysato shacabka Soomaaliyeed ee NFD.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka lagu burburiyay saldhigga ciidanka Kenya Goorisa iyo gaari melleteri oo dhaxyiilay balse lama oga khasaaraha nafeed ee gaaray askartii ku sugneed goobta weerarku ka dhacay.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada xukuumadda Nairobi oo ku aaddan weerarkan ka dhacay gobolka Gaarisa.

Related Items