Cudurka Carona oo ka dilaacay saldhigga ciidanka Mareykanka ee Koonfurta Kuuriya.

Wednesday February 26, 2020 - 10:19:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo ka dilaacay saldhigga ciidanka Mareykanka ee Koonfurta Kuuriya.

    Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay sheegtay in ay cabsi ka qabto cudurka dilaaga Carona ee kusii faafaya wadamo badan oo dhaca qaaradda Aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay sheegtay in ay cabsi ka qabto cudurka dilaaga Carona ee kusii faafaya wadamo badan oo dhaca qaaradda Aasiya.


Mas'uul u hadlay guddiga Mareykanka ee qaabilsan ka hortagga cudurrada faafa ayaa sheegay in suurtagal ay tahay in Carona uu ku dhax faafo bulshada Americanka sida iskuullada iyo jamaacadaha.

dhinaca kale wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in Askari American ah uu ku dhacay cudurka Carona, askarigan oo ku sugan dalka Koonfurta Kuuriya ayaa lageliyay xaalad karaantiil ah.


Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in cudurka Carona uu ka dilaacay gudaha saldhigga Carole camp oo 30K dhanka waqooyi uga beegan magaalada Daegu ee dalka Koonfurta Kuuriya.

Waa markii ugu horraysay oo Carona uu asiibo askarta Mareykanka waxaana muuqata in cudurkan oo markii hore kasoo bilaawday dalka Shiinaha uu kusii faafayo caalamka intiisa kale.

Related Items