'Beesha Caalamka' oo Farmaajo iyo Kheyre uga digtay waqti kororsi.

Wednesday February 26, 2020 - 11:00:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo Farmaajo iyo Kheyre uga digtay waqti kororsi.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka oo dusha sare ka maamusha gummeysiga lageliyay Soomaaliya ayaa digniin culus udirtay hoggaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka oo dusha sare ka maamusha gummeysiga lageliyay Soomaaliya ayaa digniin culus udirtay hoggaanka dowladda Federaalka.


Warsaxaafadeed kasoo baxay dowlado iyo Ururo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Farmaajo iyo Kheyre ay muddo kororsi sameeyaan.

Waxay amar kusiiyeen madaxda dowladda Federaalka in ay qaban qaabiyaan doorashooyin madaxtinimo iyo kuwa baarlamaan inta aan lagaarin sanaddii 2021-ka oo uu ku egyahay waqtiga xukuumadda hadda jirta.

'Beesha Caalamka' waxay sheegtay in marnaba aysan ogolaan doonin in dib loo dhigo doorashooyinka waxaana warsaxaafadeedkan lagu taageeray guddiga doorashooyinka ee ka howlgala magaalada Muqdisho.


Warsaxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa dowladaha kala ah Dowladaha Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga,Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, IGAD, iyo Qaramada Midoobay.

Dhawaqan kasoo yeeray dhinacyada daadihiya gummeysiga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli mucaaradka siyaasadda dowladda Farmaajo ay walaac ka muujinayeen in xil kororsi uu ka dhaco Villa Somalia

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items