Weerar lagu burburiyay shirkad Kenyaati ah oo ka dhacay dhulka NFD.

Wednesday February 26, 2020 - 11:08:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu burburiyay shirkad Kenyaati ah oo ka dhacay dhulka NFD.

    Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay hawl gal ka fuliyay degaan hoos taga degmada Ceelwaaq ee ku dhex taalla dhulka NFD taas oo ay Kenyaatigu ugu yeeraan (Ceelwaaq Kenya)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay hawl gal ka fuliyay degaan hoos taga degmada Ceelwaaq ee ku dhex taalla dhulka NFD taas oo ay Kenyaatigu ugu yeeraan (Ceelwaaq Kenya)


Wararka nagasoo gaaraya dhulkaasi Soomaaliyeed ee ay Kenya heysato ayaa sheegaya in dagaal yahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen tuulada Dabasiti kadib markii ay carareen ciidankii Kenya.

Intaasi kadib waxay magaalada ka sameeyeen hawlgallo baaritaano ah waxaana u xigay in ay burburiyeen xaruntii shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee dowladda Kenya.


Dhacdadan ayaa timid xilli uu sidoo kale weerar ka dhacay degaan la yiraahdo Goorisa oo hoos taga Gaarisa, laguna burburiyay saldhig iyo gaari milatari oo ay Kenya lahayd.

Dowladda Kenya oo horay u heysatay dhul ballraan iyo dad Soomaaliyeed ayaa sannadkii 2011-kii kasoo tallowday xuduud beenaadka, iyadoo qabsatay qeybo kamid ah Gedo iyo Jubbada Hoose, waxayna tan iyo xilligaas wajahasaa weeraro aan kala go’ lahayn oo uga imanaya Xarakada Al-Shabaab.


Related Items