Xoogaga Mucaaradka oo dib ula wareegay degmooyin dhaca Waqooyiga Suuriya.

Wednesday February 26, 2020 - 18:00:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Mucaaradka oo dib ula wareegay degmooyin dhaca Waqooyiga Suuriya.

    Tobanaan qof shacab ah ayaa dhintay kadib duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka ay ka geysteen magaalada Idlib ee waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof shacab ah ayaa dhintay kadib duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka ay ka geysteen magaalada Idlib ee waqooyiga wadanka Suuriya.


Guddiga difaaca Madaniga Suuriya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 26 qof ay dhinteen tobanaan kalane dhaawacyo soo gaareen kadib markii duqeymo aan kala soocd laheyn loo geystay guryo ay dad shacab ah degnyihiin.

Dhinaca kale xoogaga mucaaradka ayaa guulo muuqa ka gaaray dagaallo culus oo ka dhacay baadiyaha gobolka Idlib.

Dagaalyahanada Mucaaradka ah ee taageerada ka helaya Melleteriga Turkiga ayaa qabsaday illaa sedax degmo oo hoos yimaad magaalada Istiraatiijiga ah ee Saraaqib oo dhowaan ku dhacday gacanta cadowga.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga mucaaradka ay ciidamada nidaamka ka fara maroojiyeen degmooyinka kala ah Alsaalixiyah,Majaariz iyo Aafis oo dhammaantood hoos yimaad Saraaqib.

Ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in madaafiicda goobta ay ku taageerayeen kooxaha mucaaradka oo dadaal ugu jira sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen dhul bishii lasoo dhaafay ku dhacay gacanta ciidamada bishaar Al Asad iyo xulufadiisa Iiraan iyo Ruushka.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items