Axmed Madoobe oo ciidamo dheeraad ah udiray Beled Xaawo.

Thursday February 27, 2020 - 12:19:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo ciidamo dheeraad ah udiray Beled Xaawo.

    Xiisada colaadeed ayaa dib uga oogmay degmooyin katirsan gobolka Gedo oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo iskasoo hor jeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa dib uga oogmay degmooyin katirsan gobolka Gedo oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo iskasoo hor jeeda.


Wararka ka imaanaya degmada Beled Xaawo ee xuduud beenaadka Kenya dhacda ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen ciidamo farabadan oo daacad u ah maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Ciidamadan oo kasoo baxay deegaanka Dhoobleey ayaa Beled Xaawo duleedkeeda degay waxayna soo mareen deegaannada dhulka NFD ee gummeysiga Kenya ku jira, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo wata 15 gaari tiknika ah ay dhaq dhaqaaq xooggan ka wadaan Gedo.

Ciidamadan gaaray Beled Xaawo ayaa sii xoojiyay barakicii ay dadka shacabka ah ka sameynayeen magaalada waxaana laga cabsi qabaa in iska hor'imaadyo ay labada dhinac halkaas ku dhaxmaraan.


Dhinaca kale maleeshiyaad daacad u ah Farmaajo oo isbuucyadii lasoo dhaafay diyaarado lagu gaynayay gobolka Gedo ayaa difaacyo ka qotay xaafado katirsan degmada Beled Xaawo, Cabdi Rashiid Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan oo Axmed Madoobe uu uxilsaartay loollanka Gedo ayaa talis ciidan ka sameystay inta udhaxaysa Mandheera iyo Beled Xaawo

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items