Dagaal Khasaara dhaliyay oo ciidamada dowladda ku dhaxmaray deegaanka Xaaji Cali.

Thursday February 27, 2020 - 14:11:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara dhaliyay oo ciidamada dowladda ku dhaxmaray deegaanka Xaaji Cali.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara xooggan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara xooggan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Cadale ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka, dadka deegaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen iska hor'imaadka.

Dadka dhintay 5 kamid ah waa dhinacyadii dagaallamay halka 2 qof ay yihiin dad shacab ah, maleeshiyaadka dagaallamay ayaa isku maandhaafay qeybsiga maandooriyaha khaadka ee ay isticmaalaan dhammaan askarta iyo saraakiisha ciidamada dowladda.


Wararka ayaa intaas ku daraya in 10 askari oo ku dhaawacmay iska hor'imaadka loo qaaday Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan, waa khasaarihii ugu xooganaa ee maleeshiyadka dowladda dhaxdooda isugu geystaan deegaanka Xaaji Cali.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items