Mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo Dharkenleey lagu dilay.

Thursday February 27, 2020 - 21:22:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo Dharkenleey lagu dilay.

    Xoogag hubaysan ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubaysan ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Weerar maanta gelinkii dambe ka dhacay galbeedka Muqdisho ayaa lagu dilay Guuleed Muuse oo ahaa guddoomiya waaxeedka xaafadda Tabakaaya madoow ee degmada Dharkeynleey.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay mas'uulkii madaxda ka ahaay xaafadda Tabakaaya Madoow, dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items