Madaxweyne ku xigeenka Iiraan iyo mas'uuliyiin kale oo uu ku dhacay cudurka Qum.

Thursday February 27, 2020 - 21:40:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Iiraan iyo mas'uuliyiin kale oo uu ku dhacay cudurka Qum.

    Ugu yaraan Afartan wadan oo caalamka dhaca ayuu kusii faafayaa cudurka dilaaga Carona kaas oo geystay khasaara nafeed iyo mid dhaqaale oo aad uballaaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Afartan wadan oo caalamka dhaca ayuu kusii faafayaa cudurka dilaaga Carona kaas oo geystay khasaara nafeed iyo mid dhaqaale oo aad uballaaran.


Dowladda Shiicada Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhimanaya cudurka Carona ay gaareen 26 qof halka boqolaal kale ay la jiifaan oo ay dhibanayaal layihiin.

Dadka cudurkan uu saacadihii lasoo dhaafay ku dhacay waxaa kamid ah mas'uuliyiin sar sare oo dowladda katirsan waxaana kamid ah madaxweyne ku xigeenka Iiraan ee dhanka dumarka iyo madaxii amniga qaranka siyaasadda dibadda ee Baarlamaanka.

Wakaaladda wararka ufaafisa xukuumadda Shiicada Iiraan waxay sheegtay in Ma'suuma Ibtikaar oo ah ku xigeenka Xasan Ruuxaani ladhigay isbitaal lagu karaantiilo dadka qaba cudurka Carona.


Dhinaca kale waxaa sare ukacday dadka uu cudurka Carona ku dilay wadanka Talyaaniga , wasaaradda caafimaadka xukuumada Roma ayaa xaqiijisay in 14 qof ay Carona udhinteen halka boqolaal kale ay laxanuunsanyihiin.

Meelaha ugu daran ee cudurkan ku faafay waa waqooyiga Talyaaniga waxaana xaalad karaantiil ah lageliyay dadka ku dhaqan magaalada Milano.
Dowladda Shuuciyada Shiinaha waxay sheegtay in dadka uu cudurka Carona dilay ay sii yaraanayso waxaana shalay udhintay 29 qof oo kaliya.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items